Baydhabo(INO)- Xoogaga Ururka Al Shabaab oo Arbacadii si buuxdo ula wareegay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa la soo sheegaya in 6 qof oo rayid ihi ku gowraceen Degmadaasi.
Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya, ayaa 26-kii bishan isaga baxay Degmadaasi, iyadoo wax ka yar hal saacna ay kula wareegtay Al Shabaab.
Waa Kuwan Ragii Maleeshiyada Al Shabaab ay Bireysay iyo Beelaha ay u kala dhasheen
1- Macalin Isak Xassan Abdi (Saad) mirifle Geeladle
2 Aden Xassan Aden (Qamaad) Mirifle/ Geeladle
3- Mad Khayr Xusseen Ali ) Mirifle/ Jilible
4- Abdiraxman Macallin Ibrahin )Mirifle/ Jilible
5- Nuuroow Mad Isaaaq ) Mirifle /Boqol hore
6- Sheekh Isaaq Macallin Keeroow )Mirifle/ Boqol Hore
Ugu dambeyntii, ilaa iyo hadda dadkaan ay laayeen ururka Alshabab kama aysan hadlin dowladda federaalka Soomaaliya.