Baydhabo(INO)- Magaaladda Baydhabo waxaa maanta ka bilaabatay Wajiga 3aad ee doorashooyinka Aqalka Hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad goboleedka ee Koonfur galbeed ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay soo gabo gabeyn doonaan guud ahaan doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee dalka.
Mudanayaashii ku guuleystay in ay Koonfur Galbeed Soomaaliya u matalaan Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya 2016/2020-ka ee Maanta soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa.
- General Shariif Sheekhuna Maye/Digil /Tunni/Dacfaraad
- Maxamed Nuuraani Bakar/Digil /Tunni/Goygaal
- Muna Khaliif Sheekh Abuu /Digil /Tunni/Daaqtire
- Maryan Macalin Isaaq /Mirifle/Hariin/Hoonyare.
Ugu dambeyntii, Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.