Aqriso: Magacyada iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan 2 Mudane Oo Maanta Lagu Doortey Baydhabo

0
232

Baydhabo(INO)-  Magaaladda Baydhabo waxaa ka socoda Wajiga 3aad ee doorashooyinka Aqalka Hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad goboleedka ee Koonfur galbeed ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa  ay soo gabo gabeyn doonaan guud ahaan doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee dalka.

Mudanayaashii ku guuleystay in ay Koonfur Galbeed Soomaaliya u matalaan Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya 2016/2020-ka ee Maanta soo baxay  ayaa waxaa ka mid ahaa.

  1. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe)/ Mirifle/Hamado/Shirmooge
  2. Xasan Cismaan Xuseen(Xasan Qoryooley)/ Digil/ Garre/ Tiif Quraayo

Ugu dambeyntii, Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.

Idale News Online, Baydhabo