Baydhabo(INO)- Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa inta badan siyaasiyiinta ku soo baxay waxa ay yihiin kuwa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka.
Deeganada Koonfur Galbeed tiro ahaan waxaan ka soo galaya Baarlamaanka tiradii ugu badneyd, waxaana ay gaarayaan ilaa 69 Xildhibaan.
Hada sida muuqata Xubnaha soo baxay ayaa u badan Siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii dalka soo maray, kuwaasi oo weli galangal siyaasadeed oo muuqda ku dhex leh Dowlada jirta.
Masuuliyiinta xilalka ku soo baxay ee Xubnaha Baarlamaanka cusub ka mid noqday ayaa waxaa ka mid ah liiskooda.
- Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari: Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah 2012-2016
- Fowziya Maxamed Sheekh Cusmaan, Xildhibaan hore
- Ibraahim Yarow Isaaq : Xildhibaan hore
- Daahir Cabdi Cabdullahi :Xildhibaan hore
- Shariif Maxamed Cabdalla : Xildhibaan hore
- Cabdiwahaab Ugaas Khaliif: Xildhibaan iyo wasiir hore
- Cabdiqadir Sharif Xasan : Xildhibaan hore
- Cabdi Caziz Xasan Maxamed: Xildhibaan hore iyo wasiir ku xigeen hore
- Raabaca Sh. Nuurow: Xildhibaan hore
- Yacqub Cali Maxamed : Xildhibaan hore
- Maxamed Mursal Maxamud : Xildhibaan iyo wasiir hore
- Sandheere Maxamed Iftin : Abaanduule ka tirsan Koonfur Galbeed
- Aden Ibrahim Dhaayow : Xildhibaan hore
- Maxamed Jaamac Mursal : Xildhibaan hore
- Maxamud Macalin Yaxye : Xildhibaan hore
- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed: Xildhibaan hore
- Khalif Duurey: Xildhibaan hore
- Cabdi Ibrahim Sh. Muudey: Xildhibaan iyo wasiir hore
- Maxamed Mursal Sheekh: Xildhibaan hore
- Axmed Xaaji Maxamed –Taaw: Xildhibaan hore
- Cabdiraxmaan Aden Ibrahim Ibbi: wasiir hore
- Saalim Caliyow Ibrow : Wasiir hore
- Axmed Cumar Islow: Xildhibaan hore
- Maxamed Xuseen Isaq Afaraalle: Xildhibaan hore
- Axmed Moyow Cabdule-Ruush-ka: Xildhibaan hore
- Cabdulahi Xusein Cali: Xildhibaan iyo wasiir hore
- Cabdulahi Cumar Abshir: Xildhibaan hore
- Cabdulahi Sheekh Ismacil: Wasiir hore
- Maxamed Cumar Dhalxa: Xildhibaan hore
- Maryan Macalin isaq: Xildhibaan hore
- Maxamed Nuuraani Bakar: Xildhibaan hore
- Sharif Sheekhuna Maye: Taliyihii Booliika Soomaaliya
- Sheekh Aden Maxamed Nuur, Xildhibaan iyo gudoomiyihii baarlamaanka ee hore
- Maxamud Maxamed Dolow: Xildhibaan hore
- Sareedo Maxamed Cabdlle: Xildhibaan
- Cabdifitaax Geeseey, wasiirka amniga Koonfur Galbeed
- Xuseen Maxamud Sheekh: Wasiirka dastuurka federaalka