Kismaayo(INO)— Maamulka Jubbaland aya asoo dhoweeyay go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay ku ansixiyay hanaanka doorashada 2016, kaasoo hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu taageeray tallaabada Madaxweynaha uu qaatay, taasoo lagu cadeeyay dhaqan gelinta hanaanka doorashooyinka ee ay horay isku af garteen Madaxda Madasha Wadatashiga qaran.
Jubbaland ayaa horay u diiday in wax ka bedel cusub lagu sameeyay qodobada heshiiskii hanaanka doorashada, waxayna si cad ah kaga soo horjeesatay in Gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka sare.
Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka ka soo baxay Jubbaland:-
Idale News Online, Kismaayo