Aqriso: Jubbaland oo dhameystirtay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose

0
322

Kismaayo(INO)- Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey ee dhameystira inta badan xubnaha ku metelaya aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.

Waxaa maamulkan loo qoondeeyey inuu buuxiyo 43 kursi oo ka mid ah 275-ka kursi ee uu kooban yahay aqalka hoose ee baarlamanka Somalia, waxaana maalmahan ka socday doorashooyin ergooyinka beelaha ay ku kala saarayeen musharaxin isku soo taagay iney ku guuleystaan kuraastan.

Labo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee Juballand ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo kuwaasoo kala ah Maxamed Cali Magan iyo Daleys Xasan Aadan.

Waxaa ku jira xubnaha ku soo baxay aqalka hoose ee Juballand 11 haween ah taasoo muujineysa in qiyaastii %90 dumarku ay ka heleen qoondadii %30-ka aheyd ee loo qorsheeyey.

Waxaa kale ka mid ah xubaha la doortay siyaasiyiin caan ah, ganacsato iyo dhalinyaro ku cusub siyaasadda oo qaarkood doorashada kaga guuleystay rag wasiiro iyo xildhibaano soo ahaa in ka badan toban sano, waxaana arintan ay noqotay isbedel cusub oo aad loola yaabay.

Waxaa kale oo xusid mudan in doorashada xubnaha aqalka hoose ee Juballand ay aheyd tan ugu dhibka iyo isqabqabsiga yar marka loo eego doorashooyinka la midka ah ee ka socda magaalooyinka kale ee dalka.

Haddaba hoos ka akhriso liiska magacyada 42-ka mid ah 43-ka xildhibaan ee laga rabay iney Juballand ku metelaan aqalka hoose ee baarlamanka Somalia:-

Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Jubbaland

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig
2-Eng. C/Casiis C/llahi Yuusuf
3-Cismaan Liibaan
4-C/llahi Yuusuf Alankey
5-Maryan Aweys Jaamac
6-Liil Cabdi
7-Xamza Sheekh Xuseen
8-C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere)
9-Axmed Cismaan Ibraahim
10- Sacdiyo Muuse C/llahi
11-Farxiyo Xasan Axmed
12-C/qaadir Sheekh Cali
13-Sheekh Nuur Maxamed Xasan
14-Cabdullahi Obokar Xaaji
15-Haashim Nuur Aadan
16- Maxamed Cumar Cali (Caano-nuug)
17-Jibriiil Cabdirashiid Xaaji
18-Maxamed Cali Xuseen
19-Cabduqaadir Aadan Nuur
20-Xasan Cabdi Ismaaciil
21-Maxamed Cabdi Gaandi
22-Xaawo Maxamed Aadan
23-Isaaq Aadan Xasan
24-Maxamed Aadan Macalin
25-Maxamed Xasan Idiris
26-Liibaan Ismaan Cabdiraxmaan
27-Cabaas Cabdullahi Siraaji
28-Cabdi Cali Xasan
29-Cabdicasiis Cabdullahi Maxamed
30-Maxamed Diiriye Khaliif
31-Maxamed Nuur Iftiin
32- Cusmaan Saqoor Ibraahim
33-Yuusuf C/fitaax Maxamed
34-Cambaro c/qaadir Maxamed
35-Sahro Xaaji Xussen
36-Cabdifitaax Maxamed Cali
37-Sahro Xaaji Xuseen
38-Saqar Ibraahim Yuusuf
39-Maxamed Nuur Iftin
40-Cabdiqaadir Maxamed Cismaan
41-Maxamed Cali Magan
42-Daleys Xasan Aadan