Kismaayo(INO)- Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee maamul goboleedka Jubbaland, ilaa 43 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ayaa lagu doortay magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
Toban(10)ka mid ah dadka la dooray waa Haween ka tirsan beelaha dega Jubbaland, taas oo ka dhigeysa in haweenka ay Jubbaland kuraasteeda 43-ka ah ka heleen 23.3%.
Ergada magaalada Kismaayo wax ku dooratay waa ergo gaareysa ilaa 2,193 kuwaas oo doortay Xildhibaannada la dhameystiray ee 43-da ah.
Afartan iyo Sedexda(43) Xildhibaan ee la doortay waxaa ku jira ilaa 16 Xildhibaan oo horay ugu jiray baarlamaanka Soomaaliya hadana dib u soo laabtay, Lix(6) ka mid ah Xildhibaannada soo laabtay waa wasiirro dowladda Xasan Sheekh ka mid ah.
Intii doorashada ay socotay waxaa tartanka laga saaray wasiirka Petroolka federaalka ah Maxamed Mukhtar Ibrahim sababo ay guddiga doorashada Jubbaland ku sheegeen musuq.
Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland doorashadii labada aqal waa dhameysay halka maamul goboleedka sida Somaliland aaney doorashada labada aqal weli bilbaabin, Jubbaland waxaa ay doorashada aqalka hoose ka bilaabatay November 8, 2016.
Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Xildhibaannada 43-da ah Ee Lagu Doortay Jubbaland:
Siyaasiyiin Baarlamaakii Hore Ku Jiray Oo Dib U Soo Laabtay:
Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig: Xildhibaan iyo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.
Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibrahim: Xildhibaan, Wasiir Ku Xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.
Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, Xildhibaan iyo Wasiir hore ee qoyska
Xildhibaan Xamze Sheekh Xasan Colow, Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Luul Cabdi Aden : Xildhibaan Federaalka ah
Xildhibaan Cabdulahi Yusuf Xasan: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cabdi Casis Cabdulahi Yusuf: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cismaan Ibraahim Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caano-nuug : Xildhibaannadii KMG
Xildhibaan C/raaxmaan Kumiye Xirsi, Xildhibaan iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada
Xildhibaan Sahro Jaamac Qorsheel : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Liibaan Osman Abdirahman: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan : Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Aden-Shaacir: Xildhibaan federaalka ah
Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi : Federaalka ah
Xildhibaanno Cusub Oo Markii Ugu Horeysay Aqalka Hoose Ka Mid Noqday:
Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan
Xildhibaan Farxiyo Xasan Axmed
Xildhibaan Sacdiyo Muuse C/laahi
Xildhibaan Cabdulahi Obokor Xaaji
Xildhibaan Haashim Nur Aden
Xildhibaan Jibril Cabdirashid Xaaji
Xildhibaan Maxamed Cali Xuseen
Xildhibaan Cabdiqadir Aden Nur
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismacil
Xildhibaan Xaawo Maxamed Aden
Xildhibaan Aden Isaaq Cali.
Xildhibaan Maxamed Aden Macalin
Xildhibaan Maxamed Xasan Idirisa
Xildhibaan Cbbaas Cabdulahi S. Siraaje
Xildhibaan Cabdi Aziz Abdulahi
Xildhibaan Maxamed Diriye Khalif
Xildhibaan Cali Maxamed Muse
Xil;dhibaan Maxamed Nuur Iftin
Xildhibaan Saqar Ibrahin Abdalla
Xildhibaan Cabdifatax Maxamed Cali
Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Cusmaan
Xildhibaan Sahro Xuseen Cali
Xildhibaan Dalees Xasan Aadan
Xildhibaan Cali Cusmaan Xersi
Xildhibaan Sagal Cabdirisaq Biixi
Xildhibaan Ibrahim Maxamed Xuseen
Puntland waa dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee doorashada aqalka hoose ka bilaabato, November 5 ayey bilaabeen, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayey doorashada sidoo kale ka socotaa, dhammaantood waxaa ay ku guul-dareysteen in xildhibaannada la doorto ka hor November 23, xiligaas oo lagu ballan-sanaa doorashada guddoonka baarlamaanka.