Muqdisho(INO)- Soomaaliya Waa dalkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah oo yeeshay Madaxweyne xil haya inuu si geesinimo leh u aqbalay in doorasho loogu guuleystay.
Doorashadii 2012-kii dhacday Soomaaliya Waa tii ugu horeysay ee dalka gudihiisa lagu qabtay tan iyo burburkii dowladii jirtay 1991. Waxaana Madaxweynaha hada talada Dalka haya Xasan Sheekh Maxamuud doortay Xildhibaano ay soo xuleen Odayaal dhaqameedyo.
Doorashada sanadkaan 2016 dhaceysa oo hadaba magaalooyin ka mid ah dalka ka socota ma ahan mid uu dadweynaha oo dhan ka qeyb galayo oo qof iyo Cod ah Waana mid isugu jirta Codeyn iyo Xulid intaba.
Odayaasha dhaqanka ayaa ah laf dhabarka aasaaska ah kuwaasi oo ka kooban oday dhaqameedyo gaaraya 135 Madax dhaqameed oo ka imaanaya dhamaan beelaha Soomaaliyeed.
Dadweyaha Soomaaliyeed kama qeyb galayaan mana codeynayaan balse waxa ay saameyn ku yeelan karaan Odayaashooda dhaqanka ee soo xulaya Codbixiyaasha ama Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose.
kursi kasta oo ka mid kuraasta 275ta ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa dooranayo ergo doorasho oo ka kooban 51 xubnood oo ay soo xuleen 135 Madax dhaqameed oo la tashan doono nabadoonadooda. Tirada guud ee ergooyinka wax dooranaya sanadkaan 2016 waxa ay noqonaysaa 14,025 Ergo.
Hadaba Waxaa isbarbardhig ku sameyneynaa doorashadii Soomaaliya lagu qabtay 2012 iyo doorashaadaan 2016.
Doorashadii Sanadkii 2012 ma jirin Aqal Sare halka sanadkaan 54 Xubnood ee Aqalka sare ay soo xuleen Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira.
Sidoo kale Doorashadii Sanadkii 2012 Xildhibaanada Baarlamaanka waa la soo xulay mana jirin wax tartan ah, halka sanadkaan loo tartamayo.
Sanadkii 2012 Waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee 275 Xildhibaan soo xulay 135 Oday dhaqameed, waxayna doorteen Madaxweyne halka doorashada sanadkaan 2016 Xildhibaanada Baarlamaanka ee Aqalka Hoose ay dooranaya ergo doorasho oo gaareysa 14,025 Ergo, waxaana Xildhibaan kasta dooranaya oo codka siinaya 51 ka mid ah ergooyinkii la soo xulay.oo
Sidoo kale doorashada sanadkii 2012, Waxaa Madaxweynaha Soomaaliya doortay 275 Xildhibaan Halka sanadkaan ay Madaxweynaha Soomaaliya dooran doonaan 275 Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah iyo 54 Xubnood oo Aqalka sare ah oo wadarta guud ay noqoneyso 329.
Sidoo kale doorashada sanadkii 2012 Qoondada Haweenka waxa ay ahayd 30% balse waxa ay heleen 14%. Halka doorashada sanadkaan Madaxda Soomaalida ay isku raaceen in la xaqiijiyo Qoondada Haweenka ee 30%, waxaana 50% Haweenka ay ka heleen Aqalka Sare.
Kooramka Ergada 51 Xubnood oo ay Madax dhaqameedyada soo xuleen waxa uu ku furmayaa marka ay soo xaadiraan 41 Xubnood oo u dhiganta 80%.
Aqalka Sare oo ah mid dhismihiisa ku cusub Soomaaliya wuxuu matali doonaa Maamul goboleedyada Dalka ka jira, Waxaana socda qorshe hanaan gaar ah loogu sameynayo Gobolka Banaadir iyo Somaliland.
54 Xubnood ee Aqalka Sare waxa ay dooran doonaan Guddoonka Aqalka Sare, sidoo kale 275 Xildhibaan ee Aqalka Hoose waxa ay dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisa.
Codka Ergooyinka wax dooranaya ayaa go’aaminaya Qofka Xildhibaan noqonaya Marka Ergooyinka Min 51 Xubnood ee doorashada ay doortaan Xildhibaanadooda waxa ay go’aankooda iyo qofka doorashada u gudbinaya Guddiga doorashada.
Doorashada sanadkaan Soomaaliya ka dhaceysa ayaa waxyaabaha Xiisaha gaarka ah u yeelaya waxaa ka mid ah in dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka yimid qurbaha ay Kursi beeshooda kula tartamayaan Siyaasiyiin waa weyn oo qaarkood Xilal sare dalka ka soo qabtay maadaama 51 Ergo ay u codeynayaan Kursi walbo oo Aqalka Hoose ah.
Sidoo kale doorashada Soomaaliya ee sanadkaan gaar ahaan Aqalka Hoose waxa ay ka dhaceysa Magaalooyinka Cadaado, Beydhabo, garoowe,Kismaayo iyo Muqdisho, waxaana Magaalooyinkaasi tagaya Siyaasiyiinta Xil doonka ah waxaana isbadalaya qiimaha Hoteelada lagu Kireeyo iyo guud ahaan ganacsiga Magaalooyinkaasi.
Waxaa jiray Siyaasiyiin Caan ka ah Siyaasada Soomaaliya oo aysan sanado ka hor suurta gal ahayn in si sahal ah ay ula kulmaan Dhalinyarada iyo Odayaasha beeshiisa laakiin Maanta waxa uu tagaya deegaanka uu ka soo jeedo si uu Cod ugu helo beeshiisa.
Magaalooyinka dalka waxaa ka soconaya Olole ay wadaan Musharaxiin dooneyso iney ku guuleystaan Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose, waxaana jira booqasho ay ku tagayaan deegaanada ay ka soo jeedaaan.
W/D:- Axmed Cabdi Cali