Afgooye(INO)— Kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka, siyaasiyiinta, cuqaasha, nabadoonnada, dhallinyarada, culumaa’udiinka, aqoonyahannada, haweynka iyo Ugaaska guud ee beesha Garre ayaa waxaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Kulanka ayaa waxaa lagu shaaciyay go’aan beeshu isla qaadatay oo sheegaya in been abuur iyo waxba kama jiraan uu ahaa war ay dhallinyaro sheegatay beesha Garre inay ka mid yihiin uga dhawaaqeen magaalada Muqdisho.
Nabadoon Kaabow Buulle, ayaa shirka manta lagu qabtay Afgooye ka sheegay in dhallinyarada ku shirtay magaalada Muqdisho ay marin habaabiyeen beesha isla markaana ay sheegeen inaan beeshu muddo 15-sano ah aysan laheyn Ugaas dhaqan iyo gole guurte.
Nabadoonka ayaa intaa ku daray in raggaasi aysan kamid aheyn beesha Garre, oo aanay waxba soo ogeysiin hogaanka dhaqanka iyo siyaasadda ee beesha.
“Beeshu waxay degtaa wadamo badan sida Kenya, Ethiopia, Chad iyo Somalia, meelo bandanna waa ka imaaneysaa dibadahana waa ay jirtaa, dadkaas la sheegaya oo hade meesha joogana nin magaciisa qariyay waaye, hadii ay magacooda qariyeena waad fahmi kartaa inaysan beesha Garre aheyn” ayuu yiri Nabadoon Kaabow.
Gaba gabada shirkii Afgooye ayaa waxaa laga soo saaray bayaan lagu saxiixay magacyada dhamaan nabadoonnada beesha Garre ee deegaannada iyo degmooyinka ay ka degto gobollada dalka oo dhan.
Dhawaan ayaa mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Muqdisho waxaa lagu daabacay in beesha Garre ay shir weyne qabsan doonto 03-03-2016, kaasoo ay ku dooran doonaan hogaan dhaqan oo beesha hogaamiya, hase ahaatee waxaa arrintaasi lagu tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn.
Idale News Online, Afgooye