Aqriso: Beelaha Muqdisho Oo Soo Saarey War Xasaasi Ah + Sawiro

0
439

Muqdisho(INO) — Kula ay Maanta yeesheen Odayasha Dhaqanka Beelaha Muqdisho, ayaa looga hadlay xaaladaha uu Dalku ku sugan yahay, Gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Maqaamka Muqdisho, Doorshooyinka la Qorsheeyay in 2016-ka ay dhacaan, Musuq-masuqa, Arrimaha Amniga iyo kuwo kale.

Kulanka oo la qorsheeyey in lagu qabto Hotel Maka Al-Mukarama ayaa waxaa is-hortaag ku sameeyay Ciidanka Nabad-sugidda Dowladda, waxaana kulanku si dhuumasho ah uu uga dhacay agagaarka KM-7.

Nabaddoon Abuukar Sheekh Cusmaaan (Abuukar Ganey) oo kulanka ka hadlay, ayaa yiri. “inagoo ka kooban Waxagarad, Nabdoonno, Siyaasiyiin, Salaadiin, Haween & Dhalinyaro Beesha Hawiye waxaan go’ansanay inaan ka hadalno masiirkeena gaar ahaan Maqaamka  Magaalada Muqdisho, nasiib daro taasu ma dhicin waxaana nakala eryey ciidanka Nabad-sugidda Soomaliya, sidaad aad arkaysaana waxan kulankeena ku qabnaynaa meeshaan laga qaxay waxaan tas na bady Ciidanka Dowladda oo ah wiilasheenii, mana ahan mid la isaga harayo.”

Sidoo kale, Waxaa kaloo kulanka ka hadlay – Ugaas Muxyadiin Xasan Axmed oo isna yiri. “Waxaa ayaan-darro ah in maanta naloo diido inaaan ka hadalno Maqaamka Muqdisho taas oo aynaan cidna marti ugu ahayn Waxaaana  noo diidey Ciidamada nabad Sugidda oo amar ka haysta Madaxtooyda dalka, Taasuna ma ah mid loo dul qaadan karo waxaan codsanayna in arintaas raali gelin laga baxiyo.”

Wuxuu kaloo intaa ku daray. “Waxaa nasiib-daro ah in la dhaho Hotel Maka Al-mukarama waxaa laga helay Qarax balse, Qaraxaasi wax jira ma aha, Qaraxa waa Anaga; Waxaan uga baaqayaa ciidanka lasoo Marin habaabiyey in ay wax waliba ka fiirasdaan oo ay ka foojig-naadaan beenta la dhoo-dhoobay.“

Kulanka waxaa kaloo ka hadlay Nabaddoon Jimcaale Maxamed Nuur oo yiri. “Waxaanu u sheegayna Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in aan sidaan Madax lagu ahaan karin, waana laga daalay mana Aq-balayno waxay calaamad weyn u tahay inuu dhamaaday xilkii aad u haysay Ummadda Soomaaliyeed maadaama aad ka hor timid Wax-garadkii Madaxda ka dhigay.”

Nabad-doon Axmed Cali C/raxmaan oo isagana Madasha ka Hadlay ayaa yiri. “Dowladdii Kacaanka ayaan caburin ka diidnay haddana ma aqbali karno waxaad og-tihiin halkii uu ku dambeeyay, yaan nalagu qasbin inaan dhibaato gaysano, Waxaana sheegaynaa inaan Cidna marti uga ahayn Muqdisho, Maqamkeedana inaga ka tashanyna.”

Ugu dambeyn, Waxaa kulanka laga soo saaray dhowr Qodob oo loo diray dowladda FS iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka; Waxaan u Akhriyey Warbaahinta – C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere).

  1. Dowladdu waa inay ka waan-toowdo ku takri falka awood oo ay ku caan baxday 2. Inay joojiso marin habaabinta Geedi socodka Doorashooyinka
    3. Inay joojiso faragelinta ay ku hayso xulshada ergooyinka beelaha una ogolaato inay si xor ah isku doortaan.
    4. Inay ka Waantoowdo u adeegsiga Hantida Qaranka Dan Siyaasadeed
    5. Shacabka Soomaaliyeed waa inuu u is-taagaan difaacida Qarannimada, Madax-baannida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
    6. Ummaddda Soomaaliyeed waxaan ku boorrinaynaa inay meel uga soo Wada-jeestaan badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.
    7. Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa inay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha Soomaalida, dhegeystaana codka Shacabka Soomaaliyeed.
    8. Waxaan kaloo Beesha Caalamka weydiisanaynaa in aysan xaq-darro ku taageerin Hoggaanka Dalka.
    9. Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay ka hor-istaagaan madaxda Dalka ku takri-falka awoodeed iyo fara-gelinta Qaawan ee ay ku hayso Doorashooyinka.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.