Aqriso: 9 Qodob Oo Sabab Looga Dhigay Xil ka Qaadista Taliyihii NISA

0
453

Muqdisho (INO)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Taliyaha NISA Cabdiraxmaan Tuuryare kadib markii lagu eedeeyay hoos u dhaca amaanka iyo musuq-maasuq ku aadan xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada Hay’adda.

Madaxweyne Xassan ayaan markiisa hore raali ka aheyn xil ka qaadista balse waxaa ku cadaadisay Beesha Caalamka kadib markii ay dhaliileen hanaanka uu u shaqeynaayay.

Xil ka qaadista Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa waxaa loo cuskaday 9-qodob oo halis ku ahaa shaqada Hay’adda, waxaana kamid ahaa:-

1- Mushaarka shaqaalaha Hay’adda oo jahwareer galay

2- Gaadiidka NISA oo uu u hibeeyay, wasiiro, xildhibaano iy dad rayid ah oo ay qaraabo yihiin.

3- Hubka NISA oo uu u qeybiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin xiriir kala dhexeeya.

4- Awooda Qaranka oo uu u isticmaalay mid isaga u gaar ah.

5- Amaanka magaalada Muqdisho oo gacanta ka baxay tan iyo markii xilka loo dhiibay.

6- Khilaafyo aan dhamaan oo dhex maray isaga iyo Saraakiisha Dowladaha saaxiibada la ah ee ka jooga Somalia kuwaasi oo garab siiya Hay’adda NISA.

7- Beegsiga dadka kasoo horjeeda Dowlada oo uu sara qaaday.

8- Hubka lagu soo qabto howlgalada oo uu mariyay dhinac kale.

9- Caburinta Saxaafada, Siyaasiyiinta iyo dadka dhaxal galka u ah dalka.

Ugu dambeyntii, Tuuryare ayaa la sheegay in mudada uu hayay xilka ku tuntay xuquuqda Shaqaalaha waxaana jira warar sheegaya in mushaar aysan qaadan ku dhawaad Afar bil.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay