Muqdisho (INO) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ka qeyb galaya shir looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka.
Kulan ay wada qaadan doonaan madaxda madasha wadatashiga ayaa waxaa looga arinsanayaa arimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhamaadka sanadkaan gaar ahaan bisha September ee sanadkaan.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka madaxda Puntland iyo Jubbaland u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay qodobo ay isla fahansan yihiin oo ay kamid yihiin inaan wax laga badalin in doorashada dhaceyso iyo in aqalka sare aan waxba laga badalin.
Qodobada ay ka arinsanayaan madaxda madasha oo aan helnay ayaa waxaa kamid ah
- Habraaca Jadwalka Doorashada oo si rasmi ah loo cadeyn doono, maalinta, Goobta iyo Saacadaha doorashada
- Halka lagu qabanayo, oo ay ka mid yihiin cidda sugeysa amaanka
- Magacaabida guddiga Doorashooyinka ee heer dawlad gobaleed ilaa heer Faderaal.
- Aqalka sarre oo xubnihiisa ay qaar doodo ka taagan yihiin
- Muqdisho maqaam nooce ah ayay yeelan doonta, mise ka qeybgalaysaa Aqalkan Sarre ee hadda la dhisayo.
Ugu dambeyntii, Bisha Agoosto ayaa la qorsheynayaa iney doorashada dalka guda galaan gudiga la magacaabaa, waxaana doorashada ay noqoneysaa mid xildhibaanada ay soo doortaan hogaanka dalka.