Aqriso 10-qodob oo muujineysa waxqabad la’aanta iyo Fashilka heesta Maamulka Gobolka Banaadir!!

0
388

Muqdisho(INO)-Iyadoo ay jiraan dhaliilo kala duwan oo loo jeedinaayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa waxaa haddana soo ifbaxaayo waxqabad la’aan kusii baaheyso Xafiisyada Maamulka.

Gobolka Banaadir, ayaa waxaa hoostagta inkabadan 80-Xafiisyo oo ka hoos shaqeeya Maamulka Guud kuwaasi oo badi u muuqda kuwo shaqa abuur ayaa waxaa intaa sii raacday hoos u dhac xoogan oo ku yimaaday Howlihii uu maamulka ka hayay Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa waxaa hadal heyntiisa ugu badan ay tahay waxqabad la’aan, iyadoona ay sii burburayaan dhismooyinkii hore ee uu Gobolka ka sameeyay Gudoomiyihii hore Tarsan.

Waxaa aad looga deyrinayaa burburka ku imaaday wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Tabeelayaashii ku shaqeynaayay cadceeda oo qaarkood aan shaqeynin, halka Bilicda Magaalada Muqdisho ay qarisa wasax buux dhaafisay wadooyinka iyo goobaha faras-magaalada.

Haddaba waxaan halkaani kusoo bandhigeynaa Qodobo muujinaaya in Maamulka Mungaab uu hoos u dhac u keenay Magaalada Muqdisho waxaana kamid ah:-

1-Burbur baaxad weyn oo ka muuqda wadooyinka Magaalada Muqdisho oo aan dib loo dayactirin tan iyo markii xilka laga qaaday Tarsan.

2-Qashin hareereyay Xarumaha Dowlada iyo Hay’dihii arintaasi gobolka u qaabilsanaa oo mushaar la’aan awgeed shaqo joojin u sameeyay.

3-Gudoomiyayaasha Degmooyinka oo ka cabanaayo Mushaar la’aan iyo daryeel xumi ka heysata dhanka Maamulka.

4-Canshuurihii ugu badnaa abid tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe oo laga qaado bulshada Muqdisho iyo lacagtaasi oo aan gaarin Bankiga dhexe.

5-Gaadiidkii loogu talo galay Degmooyinka ee Caasiga ahaa oo galay gacanta Mungaab.

6-Shaqaalaha Gobolka oo hal dhinac u badan iyo dad farabadan oo shaqooyinkooda laga eryay sabab la’aan.

7-Ciidamadii u diiwaan gishnaa Gobolka oo badi shaqadii faarujiyay kadib markii aan muddo 4-bil lasiin wax mushaar ah.

8-Maamulka Mungaab oo laga dhexlay isdaba marinta dhulalka uu qilaafka ka taagan yahay iyo boqolaal shacab ah oo aan gacanta ku heyn boosaskooda.

9-Shaqooyinka Maamulka oo kusoo koobmay Xaflado.

10-Mashaariicdii Hay’adaha Gobolka oo loo weeciyay wado qaldan iyo Gargaarkii lasiin jiray Degmooyinka oo buux dhaafiyay Baqaarada Gobolka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here