Aqoonyahan Ka Soojeda KGS Oo Walaac Ka Muujiyey Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya, Baaqna U Direy Beelaha DM

0
497

Baydhabo(INO)- Dr. Cali Cabdi Baab oo ka mid ah Aqoonyahanada Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku nool dalka UK ayaa Baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray qaabka loo soo xulay Gudiga doorashooyinka Qaran ee ka dhici doontodabayaaqada sanadaan 2016-ka Soomaaliya.

Aqoonyahanka waxa uu carabka aad ugu adkeeyay in aan qaab sharci ah loo marin sida hadalka u dhige ee  xulista gudigaas isla markaasina uusana waafaqsaneyn sharciga qaabka uu u soo maray xulistiisa gudigaasi.

Talaabada uu qaadayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Waxa uu tilmaamemey qaladkii ugu weeynaa ee uu qaado Ruux masuul ah, waana qaladkii ugu weeynaa ee laga galo masiirka ummada soomaaliyeed ee ku aadan Doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo.

Dhaliilaha ugu waaweyna waxaa ugu weeyn wasiirada lagu soo daray, halka maamul-goboleedyadana ay wakiilo ku leeyihiin, waxaana halkaasi laga bixiyay uu sheegey qeeybtii ay bulshada rayidka ay  lahaayeen, taasina waxeey cadeyn u tahay buu yiri in ay jiraan Dano gaar ahaaneedyo.

Waxa uu walaac aad u weeyn uu ka muujiyey xubnaha u matalaaya Dowlada Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu Qaylo-dhaan u diray Beelaha Digil & Mirifle oo uu sheegey in Masiirkooda siyaasadeed Janaazadiisa banaanka taalo isagoona Eedayey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Ugu dambeyntii, waxa uu ugu baaqay Bulshada Raiydka Koonfur Galbeed Soomaaliya  in ay arintaan ka Dhiidhiyaan kana hor yimaadaan Shucuurtoodana ay ku muujiyaan Banaanbaxyo waaweyn oo ay ka hor dhigaan Goobta ama Hoolka uu ka dhacaayo shirka Madashada Wadatashiga Qaran Ee Baydhabo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay