Aqoon Is Weydaasi Ku Saabsan Maamul Wanaaga Oo Loo Furey Wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
185

Baydhabo(INO)- Waxaa  Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Ee Dowlada Koonfur Galbed Soomaaliya Ka furmey Tababar ku saabsan Maaamul wanaaga iyo Maamulka isla markaana waxa ka qiib galay Dhamaan wasaaradaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Aqoon is weydaarsi

Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban qaabisey wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Koonfur Galbeed,  isla markaana uu socon doono mudo labo Cesho ah  kaasoo looga doodi doono, hanaanka Maamul wanaaga iyo Maamulka Maareynta Wasaaraddaha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xaaji ayaa Sheegey in aqoon is weydaarsigani ujeedadiisu ay tahay sidii loo kobcin lahaa abooda maamulka Suuban iyo weliba loo  tayeyn lahaa Shaqada Wasaaradaha Dowladda KG Soomaaliya.

“ Tababarkan waxa uu soconaya Labo maalmood, waxaana looga doodaya maamul wanaaga iyo Maamul Guud ee Wasaaradaha, Maanta waxa la soo bandhigey Qorshiyo  iyo fikrado kala gedisan, dadku waxay isu jiraan kuwo soo bartey Culuum kala Gedisan marka intaasi fikrado ayaan Aruuriney” ayuu yiri wasiirka

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka wasaarada Iskaashiga Calaamiga ayaa sheegey in Maanta aqoon is weydaarsiga ay kala soo qiib galeen Wefdi Socodey Hay’ada UNDP iyo ururka SIDA oo laga leeyahay dalka Sweden, isla markaana waxa uu intaa raacey in wasaarada isku xir caalami ah ay u sameyneyso Dowlada Koonfur Galbeed, basle Waxa uu hoosta ka xariiqey in Shirar  badan oo caalami ah oo Wasaaradu ay qiib gali lahay uu hortaagan yahay Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Xulistiisu dheeratey.

“ Wasaaraddu waxay ku daaleysa Xoojinta Xariirka Calaamiga, waxaa jiro shirar Caalami ah oo aysan ka qiib galin Karin Wasaaradda sababo Hay’ada Sharci Dajinta Dowlada Weli aysan Dhameystirmin caqabadaasi ayaa na hortaagan, waxaad ogtihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya  inay tahay Maamulka ugu dadka  tira badan Marka Loo Eego Maamulada Ka Jira Soomaaliya, waxaan rajeyneynaa in qorsheynta Howlaha Caalamiga ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaaliya aynu  xoojin doono” ayuu Mar kale yiri Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mr. Maxamed Xaaji.

Ugu dambeyntii, Wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa indhaha Beesha Caalamka  waxay ku soo jeedisay Dowlada  KG Soomaaaliya iyadoona Baydhabo  ay Soo gaarey Maalinba maalinta ka dambeyso Wufuud  iyo Dilomaasinyiin kala Gedisan oo Xeer Caalami ah.

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka  Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here