Antonio Guterres oo Noqonaya Xoghayaha Cusub ee QM

0
191

New York(INO)- Ra’isul Wasaarihii hore ee Bortaqiiska Antonio Guterres ayaa si aan rasmi aheyn loogu doortay inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee bedeli doona, Ban Ki Moon, waxaa lagu wada in si rasmi ah xilkaasi loogu doorto maalmaha soo socda.

Codeyn dhacday shalay oo Arbaca aheyd ayaa 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxey ogolaadeen murashaxnimada Guterres ee xilkan.

Labada xubnood ee kale ayaa ka gaabsaday. Mana jirin cid diiday.

Codeyntan dhacday maanta oo arbaca ah oo aheyd mid aan rasmi aheyn ayaa muhim u aheyd doorashada Xoghayaha Guud.

Maalinta oo Khamiis ah ayaa la filayaa inay Golaha si rasmi ah ugu codeyaan, ka dibna ay soo saaraan qaraar ku aadan go’aankooda, ka dibna waxey u diri doonaan taladooda, Golaha Guud ee loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, kuwaa oo si rasmi ah u sharciyeyn doona xilka Guterres.

Guterres, oo 67 jir ah ayaa soo noqday Ra’isul Wasaarihii Portugal intii u dhaxeysay 1992dii iyo 2002dii.

Ka dib waxa uu madax ka noqday Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay muddo 10 sanadood ah -2005-2015kii.

Intii uu ololihiisa ku jiray ayuu VOAda uu sheegay inuu xilkan ugu sareeya Qaramada Midoobay u ordayo si uu xal ugu raadiyo mashaakilaadka dunida ka oogan.

Waxa uu xilkan kala wareegi doonaa Bankii Moon bisha Janaayo ee sanadka 2017ka.