Amnidarada Muqdisho oo sabab looga dhigay isbedelka lagu sameeyo Saraakiisha Ammaanka

0
219

Muqdisho(INO)-isbedelka deg deg ah ee lagu sameeyo Saraakiisha Ammaanka qaabilsan ayaa sabab looga dhigay habaca dhanka ammaanka ah ee ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysa isbedel ku aadan Saraakiisha ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana inta badan dhaca falal la xiriira amnidaro, xilli Saraakiisha cusub aysan shaqada amniga weli la qabsan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo arimaha gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in sababta amniga caasimada habaca uu ugu yimid ay tahay in Dowladda ay sameyso isbedel ku saabsan saraakiisha, iyadoo aan laga fiirsan.

Wuxuu sheegay in Wasiirka Amniga oo kulan ay la qaateen uu u sheegay in ay adkeynayaan ammaanka caasimada Magaalada Muqdisho, Saraakiishana uu kula dar-daarmay inay si adag u qabtaan shaqooyinka qaranka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow wuxuu kaloo sheegay  in ciidamada Dowladda laga rabo  inay amniga si wanaagsan u xaqiijiyaan, iyagana la siiyo mushaaraadka xaqa ay ugu leeyihiin Dowladda Soomaaliya.

Isbedelada dhanka Saraakiisha amniga qaabilsan lagu sameeyo, ayaa waxa ay sahlaysaa inay Shabaabka geystaan falal amniga la xiriira, maadaama isbedelka qofka ku yimaado uu u baahan yahay fahan shaqada loo wakiishay, taasina ay waqti qaadanayso.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo dhamaadkii Bishii Maarso ay kooxda weerartay.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here