AMISOM: “Waa ka xunahay Shilka uu gaarigeena gaystay”.

0
190
Warsaxafadeed ay soo sareen Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee Midowga Africa u jooga Soomaaliya  ayaa waxa ay ku sheegeen  in ay ka xunyihiin shil Maalintii shalay  ka dhacay  wadada Maka al Mukarrama ee magaalada Muqdisho halkaas oo gawaarida gaashaaman ee AMISOM ay qof rayid ah ku dileen.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska  Madaxa Guddiga Midawga Afrika u qaabilsan Somalia  Maxamed Saalax Nadiif ayaa lagu xusay in ciidamada nabad ilaalinta ee midawga Afrika ee AMISOM ay ka xun yihiin shilkaasi isla markaana ay tacsi iyo raalligelin ay u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii marxuumka  shilkaasi ku dhintay.
Sida ku xusan war saxaafadeedka AMISOM shilkan ayaa ka dhacay agagaarka hotel Ambassdor halkaasi oo mid ka mid ah baabuurta gaashaaman ee ciidmada AMISOM uu ku dhacay ninkaasi oo taksiile ahaa, AMISOM ayaa war saxaafadeedka ku xusatay inay la shaqaynayaan booliska Somaaliya isla markaana natiijada soo baxda talaabo laga qaadi doono Askarigii waday gaarigii shilka gaystay.Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia ayaa shilkan tacsi ka gudbisay isla markaana xustay in la baadhayo dhacda sida ay u dhacday.anadif
Idale News Online