Marka(INO)— Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo maanta gaaray magaalada Marka xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay kulamo la qaateen oday dhaqameedka magalaada Marka.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay deegaanka Ceel-jaale ee degmada Marka waxana ay u sheegeen odayaashii ay la kulmeen in AMISOM aysan raali ka ahayn in dad rayid ah la xasuuqo.
Sarkaalka ugu sareeyo ciidamada AMISON ee ka qeybgalay kulankan ayaa u sheegay odayaashii ay la kuklmeen in xabsiga ay u taxaabeen labo askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM.
Odayaasha ay la kulmeen AMISOM oo ka koobnaa beelaha dega magaalada Marka ayaa waxa ay ka codsadeen ciidamada AMISOM in ay wax ka bedelaan qaab dhaqameedkooda ayna jawaab cad ka keenaan sababta keentay in dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Marka ay dilkooda baneystaan ciidamada AMISOM.
Habeen hore ayaa ciidamada AMISOM waxa ay ku dileen magaalada Marka gaar ahaan xaafada Ruusiya 6 ruux oo hal qoys ka soo jeeday.
Afar wiil,aabahood iyo adeerkood oo ay ciidamada AMISOM dileen ayaa shalay lagu aasay magaalada Marka kadib markii ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka careysnaa miino dhulka loogu aasay ay rasaas ku fureen qoyskan oo degenaa xaafada Ruusiya.
Qoysas faro badan ayaa ka barakacay xaafado ka tirsan magaalada Marka iyagoo ugaga cararay sababo ammaan awgeed. Hore ayaa qoysas badan oo degenaa magaalada Marka waxa ay ugaga barakaceen dagaalo sokeeye oo dhex maray.
Idale News Online, Marka