AMISOM oo tiro Madaafiic ku garaacay goobo rayid ay degan yihiin ee dhaca Shabeelaha Hoose

0
414

Marka ( INO)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in barqonimadii maanta Ciidamada AMISOM ay tiro Madaafiic ah ku garaaceen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan Madaafiicdaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen Tuulooyin hoostaga deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka AMISOM ayaa Madaafiicda waxa ay ka tuurayeen Saldhig Milatari oo ay ku leeyihiin bartamaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo sanadkii hore weerar Hubeysan ay ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab .

Madaafiicda AMISOM ayaa maanta ka tuurayeen Xaruntooda Leego ayaa la sheegay in ay jawaab u ahaayeen Hoobiyayaal Al Shabaab ay ku soo weerareen.

Dadka deegaanka oo Shabelle la soo xariiray ayaa sheegay in Madaafiicda Ciidamada AMISOM goobaha rayidka ay ku sugan yihiin ku garaaceen inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen 2 qof oo rayid ahaa.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Leego Abuukar Isaaq Al Cadaala oo isna Shabelle la hadlay ayaa beeniyay in Hoobiyayaasha AMISOM lagu weeraray ay jiraan wax khasaaro ah oo ka soo gaaray.

Waxaana uu carabka ku adkeeyay in Ciidanka AMISOM ay jawaab kulul  wax uu ku tilmaamay ay ka bixiyeen Madaafiicda iyaga markii hore lagu soo weeraray.

Al Shabaab ayaa indhawaanahaan kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Xarumaha Ciidmada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Marko