Amisom oo sheegtay inaan dalka la keeni doonin Ciidan ka socdo Sierra Leone

0
192

Amb. Maman S. Sidikou, Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa cadeeyay inaysan xilligaan dalka imaan doonin ciidan cusub oo ka socdo dalka Sierra Leone.

Waxay tani ka dambeysay markii guuto ciidan ah oo loo diyaariyay in la keeno Somaliya mid ka mid ah laga helay cudurka Ebola, taasina ay walaac iyo baqdin badanba ku dhalisay shacabka Somaliyeed.

Bayaan uu soo saaray Amb. Maman S. Sidikou, ayaa wuxuu ku xaqiijiyay inay ka taxadarayaan in cudurka Ebola la soo gaarsiiyo dalka Somaliya.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino shacabka Soomaaliyeed iyo Calaamkaba in Amisom qaadatay tallaabooyin lagu xaqiijinayo inaanu Soomaaliya soo gaarin cudurka halista ah ee Ebola.” ayuu yiri Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

“Waxaan hakinay ciidamo dalka Sierra Leone ka imaan lahaa oo bishii July ee sanadkan bedeli lahaa kuwii horey halkaan u joogay.” ayuu markale yiri.

“Waxaana ka dhur suggi doonaa xaaladu sida ay noqoto, taasi waa qorshaha aynu ku doonayno in aanu ku badbaadinno shacabka Soomaaliyeed. Guutadii la bedeli lahaa ayaana sii shaqeyneysa.” ayuu sii raaciyay.

amisommarkaamisommarka

Idale News Online, Muqdisho