AMISOM oo sheegtay in lix sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Shabeellaha Hoose

0
315

Muqdisho(INO)— Taliska AMISOM ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howl galo ay ka wadeen Shabeellaha Hoose ay ku dileen lix sarkaal ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM oo wada jira ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa tani ay ka dhigeyso todobo sarkaal in Al-Shabaab muddo hal todobaad gudahood ay ka dileen ciidamada huwanta ah.

AMISOM ayaa sheegtay in 2-dii bishan ay dileen Taliyihii Janaadir Abdirashid Budqube, sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in la dilay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Adan Bale oo ahaa Taliyaha Leego, Sheikh Mohamed Ali oo ahaa taliye kuxigeenka Janaale, Mohamed Abribao oo Al-Shabaab u qaabilsanaa garsoorka, Hassan Ai Dole oo ahaa madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo nin Yemeni qabiir ku ahaa qaraxyada oo magaciisa ku sheegeen Abu Islam.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay inay dishay Nin Kenyan ah oo magaciisa ku sheegtay Sheikh Mansur oo ahaa Kuxigeenka Madaxa Tababarada.

“Al-Shabaab waxay dagaalkooda u bedeleen ku dhufo oo ka carar, ma awoodi karaan inay si toos ah AMISOM iyo ciidamada kale uga hor-yimaadaan”ayuu yiri Taliyaha qeybta 1aad ee howl galka AMISOM Brigadier General Sam Okiding.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay dib ula wareegeen deegaanka Janaale, halkaasoo bishii September Al-Shabaab dib ula wareegtay, markii weerar culus oo ay ku leysay askar badan ku qaaday saldhig Ciidamada Uganda ku lahaayeen Janaale.

Ma jirto war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada AMISOM ee ah inay dileen saraakiil lix sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo labo ka mid ah ay ajnabi yihiin.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here