AMISOM oo sheegtay in ay kordhineyso Duqeymaha Ka dhanka ah Al Shabaab

0
191

Muqdisho ( INO)-Howlgalka Midowga Africa ee Somalia ayaa sheegay in ay  xoojinayaan duqeymaha dhinaca Hawada ee ay ka sameynayaan goobaha ay ku sugan yihiin xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama Somalia, kadib markii dhawaan Midowga Europe uu dhimay dhaqaalihii uu ku bixin jiray howlgalka AMISOM  ee Somalia.

Ururka Midowga Yurub oo howlgalka AMISOM ee Somalia ka taageera dhinaca mushaaraadka Ciidamada ayaa sheegay in ay dhimeen dhaqaalihii howlgalka Midowga Africa ee Somalia.

Saraakiisha Ururka Midowga Africa ayaa dhawaan Magaalada Adisababa ee xarunta dalka ee Ethiopai kula kulmay Madaxda howlgalka AMISOM oo ay kala hadleen qaabka ay u wajahayaan howlgalkooda Somalia.

Madax ka tirsan ururka Midowga Africa  ayaa horay  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadlay dhimista maaliyadii Ururka Midowga Yurub uu ku bixin jiray howlgalka AMISOM ee Somalia taas oo ay ku sheegeen in saameyn ku yeelan karto niyada Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee ka howlgala Somalia.

Madaxa Golaha nabad gelyada iyo Ammaanka ee Midowga Africa Smail Chergui ayaa sheegay in Ethiopia iyo Kenya ay aqbaleen in ay adeegsadaan diyaaradahooda dagaalka si ay u xoojiyaan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.

Dhawaan ayaa waxa ay Kenya iyo Ethiopia  oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia waxey dalbadeen diyaarado helicoptarro ah si ay u wiiqaan awooda Xarakada Al Shabaab.

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here