AMISOM Oo Sheegdey Inay Dishey 110 Dagaalyahno Oo Ka Tirsan Maleeshiyada Al-shabaab

0
357

Halgan(INO)— Taliska AMISOM ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar culus oo saaka waabarigii Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo goor dhow la soo dhigay Barta Twitter-ka AMISOM ayaa lagu sheegay in weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen xero ay degenaayeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya ay iska difaceen.

“Waxaan idin xaqiijineynaa in isku day weerar ah in Al-Shabaab ku soo qaadeen xero ay degan yihiin AMISOM iyo Ciidamada Soomaalida deegaanka Halgan, Cadawga si guul ah ayaa loo caabiyay, dibna loo celiyay”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta Twitter.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay inay baacsi ku hayaan kooxihii weerarka soo qaaday oo ku jira baxsad, iyagoo intaa ku daray inay qabteen hub fara badan.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysay Taliska AMISOM ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegtay inay jiraan meydad ka tirsan Al-Shabaab, kuwo nolol lagu qabtay iyo hub fara badan, isla markaana la soo bandhigayo.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya oo xeradaas ku sugnaa ka dileen 43 askari.

Dagaalkii ka dhacay Halgan ayaa ahaa mid aad u xoogan, waxaana uu waxyeelo kala duwan ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku sugnaa deegaanka.

 Idale News Online, Halgan