Amisom oo sabab u noqoneysa dhibatooyin ka dhaca garoonka Aadan Cadde +Halis cusub !!

0
224

Muqdisho(INO)-Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujinaayo amaan dari ka taagan gudaha Garoonka.

amisom

C/naasir C/llahi oo kamid ah shaqaalaha Garoonka, ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay hormuud u noqonayaan amaan darri ka dhacda gudaha Garoonka, waxa uuna sheegay inaysan baarin Boorsooyinka iyo dadka wata gaadiidka.

C/naasir ayaa sheegay in Ciidamadu ay qaatan Laalush kadibna ay dadka u fududeeyan gali taanka garoonka, waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa inaan la baarin gabi ahaan boorsooyinka.

Waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay wax muuqdo ka qabato Amaan darrida ka taagan Garoonka oo ay sabab u yihiin Ciidamada AMISOM.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhowr jeer oo sii horeysay ku hanjabay inay weeraro ka geysan doonaan Garoonka Aadan Cadde, waxa ayna dayacnaantani fududeyneysaa in Maleeshiyaadka ay halkaasi ka geystaan dhibaatooyin.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here