AMISOM Oo Qiratay in Gaari Looga Gubay Gobolka Shabeelaha Hoose

0
193

Afgooye ( INO)-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM  oo ka tegay degmada Afgooye  kuna sii jeeday deegaanka Carbiska ayaa qarax lagula eegtay duleedka Degmadaasi kaasoo burbur uu ka soo gaaray mid ka mid ah Gadiidka AMISOM sida ay sheegeen Saraakiisha Amniga ee Maamulka Degmada Afgooye.

Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM  oo la hadlay Shabelle ayaa qiray in uu jiro warka sheegaya Qaraxaasi lala eegtay Ciidamada AMISOM in uu  mid ka mid ah Gawaaridooda uu ka soo gaaray burbur.

Hase ahaatee wuxuu meesha ka saaray in wax khasaaro  ah ay soo gaareen Ciidamadooda iyo Shacabka intaba.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe weeraro iyo Qaraxyo khasaaro geystay la Bartilmaamsanayay Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.