Baydhabo(INO)-Qeybta Booliiska ee ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM ayaa qalab dambi barista loogu talogalay guddoonsiiyey saldhiga booliiska magaalada Baydhabo Janaay.
Qalabka oo ay ka mid tahay kaamaro lagu sawiro meelaha ay fal dambiyeedyada ka dhacaan si marka dambe looga tixraaco raadadka halkaasi yaala iyo qaabkii ay wax u dhaceen ayaa waxaa guddoomey taliyaha Saldhigga Mukhtaar Ibraahim iyo Cali Salaad oo ku xigeenkiisa ah.
Theresa Awelo oo ahayd madixii waftiga ciidamada booliska AMISOM ee Baydhabo tagay ayaa sheegtey in barista dambiyada ay isbadal muuqda ka samaynayaan bulshada dhexdooda, kana qeybqaadanayaan soo celinta nabadda.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.