AMISOM Oo Maanta Dardartay Sargaal Ka Tirsan DFS

0
471

Muqdisho (INO)-Ciidamada AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ku dardaray Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kaasi oo ku nafbaxay isla goobta.

Shilka Sargaalkaasi ayaa ka dhacay wadada hor marta Xarunta National Theater ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa booqday goobta uu shilka ka dhacay waxaana lagu soo waramayaa in iyaga iyo Saraakiil Boolis ah ay ka wada hadlayaan arrintaan.

Ciidamada AMISOM oo si aad ah uga baqa la dagaalanka Al-shabaab, ayaa waxaa hadana moodaa in Dagaalkii ay kula jireen maleeshiyada u weeciyeen dhanka shacabka Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horeysay oo gaari AMISOM uu dardaro Askari ka tirsan Dowlada, waxaana sidoo kale jira Kontomeeyo ruux oo iilka loo dhigay dhibaato ay u geysteen AMISOM.

Idale News Online, Muqdisho