AMISOM oo ku Dishay 6 Qofood oo isku qoys ah Gobolka Shabellaha Hoose

0
183

Marka ( INO)-Cidamada AMISOM  ayaa Habeenimadii Xalay Madaafiic ku garaacay Tuula hoostagta Deegaanka Janaale ee Goblaka Shabeelaha Hoose waxaana Madaafiicdaasi Ka dhashay Khasaaro Dhimasho oo soo Gaaray dad shacab ah.

Madaafiicdaan ayaa waxaa kudhitay 3 Caruur ah iyo 2 Haween iyadoona sababta keentay Ciidamada AMISOM  ay Madaafiicdaan ku garaaceen Tuulo Hoostagta Janaale ay tamid kadib markii Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Buufow.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalaanbood ee Gobalka Shabeelaha Hoose Nuur Cusmaan Raage ayaa Warbaahinta uga Warbixiyay Madaafiicda Ciidamada AMISOM ay ku garaaceen Tuulo hoostagta Deegaanka Janaale.

Waxa uuna Sheegay in AMISOM  Madaafiicdaan ay kasoo tuureen Xero ay ku leeyihiin Tuulada Buufow oo hoostagta Deegaanka Shalanbood.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalanbood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay kala hadleen in aysan ka jawaabin  Madaafiicda Al-Shabaab si Khasaaro aysan uga soo gaarin Dadka Shacabka ah Balse waxa uu Sheegay in ay Dhega adeegeen.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan Madaafiic Ku garaaca Deegaanno iyo Tuulooyin katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose iyadoona Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaaraan dad Shacab ah ee degan Gobolka Shabeelaha Hoose.