AMISOM Oo Ka Soo yeerey War Argagax Galey Maleeshiyada Kooxda Al- Soomaaliya

0
556

Muqdisho ( INO)-AMISOM ayaa sheegtay in ay ka gacan siisay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dilka Maxamed Maxa’uud (Dulyadayn), oo ahaa Hogaamiye sare oo katirsanaa Al shabaab.

Qoraal Kooban oo AMISOM soo gelisay Bogga Twitter-keeda ayaa waxay ku sheegtay in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay fuliyeen Howlgal military, kaasi oo ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Beerxaani, oo qiyaastii 30Km dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.

AMISOM waxay sheegtay in Howlgalkaasi wadajirka ah ay ku dileen 3 Dagaalyahan oo kamid ahaa Al shabaab, kuwaasi oo uu ku jiro Maxa’ed Dulyadayn, oo Al shabaab u qaabilsanaa Weerarada Dalka Kenya.

“Howlgalka waxaa lagu burburiyay  Xarunta Canshuuraha ay ku qaadi jireen Al shabaab oo ku yaala Deegaanka Beerxaani, waxaana lagu dilay 3 Dagaalyahano oo Maxa’ed Maxa’uud Dulyadayn ku jiro,” ayaa lagu yiri Warka AMISOM.

AMISOM waxay dhanka kale ugu baaqday Al shabaab in ay hubka dhigaan, kuna soo biiraan Hanaanka dib soo celinta Nabada iyo Dowlad-dhisida Dalka Soomaaliya oo mudo ka badan 20 sano ay dagaallo ka jireen.

Warka AMISOM ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu Shaaciyay dhawaan in ay gacan ka siiyeen Ciidamada Soomaaliya Howlgal ay sheegtay in lagu dilay Max’ed Maxa’uud Dulyadayn oo Dowladda Kenya si aad ah u baadi-goobaysay, maadaama uu ka danbeeyay Weerarkii Jaamacada Gaarisa billowgii 2015-kii.

Idale News Online, Muqdisho