Muqdisho(INO)-Ciidamada howlgalka midowga Afirca AMISOM ayaa Jaamacadii Ummadda ku wareejiyay dawlada Soomaaliya.
Jaamacadaa ayaa waxaa soo wareejiyay gacan ku heynteeda ciidamada AMISOM kadib shan sano ku dhawaad oo ay ayagu maamulayeen. Waa Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed/Somali National University.
Maxamed Axmed Jimcaale oo ka tirsan Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed/Somali National University ayaa uga mahad celiyay ciidamada AMISOM iyo gaar ahaan dufcadda Burundi oo hayay maamulkeeda jaamacadaa.
Jaamacadaa ayaa dhismaheeda waxaa daganaa ciidamadaa oo haatan la doonayo in loo raro Jowhar halkaa oo ay dagayaan.
Maxamed Axmed Jimcaale oo ka tirsan Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa xusay dawrka muhiimka ah ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ka ciyaarto soo kabashada Soomaaliya.
“Hadii Jaamacadaan oo shaqeyneysa aad ka tagtaan, taasi waxay tuseysaa caalamka in ciidamada AMISOM gaar ahaan dufcadda Burundi ay ka tageen meel dahabi ah oo shaqaale xirfadleyaal ah soo saari karta shaqaalahaa oo Soomaaliya ay uga baahan tahay barnaamijyadeeda horumarineed.” Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sidaa yiri.
Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed/Somali National University ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1954 balse waxay si rasmi ah u qaadatay magaca ‘jaamacad’ sanadkii 1969.
Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed/Somali National University waxay soo saartay madax badan oo Soomaaliya xilal kasoo qabtay oo ay ku jireen madaxweyneyaal iyo ra’iisal wasaarayaal.