Amaanka Muqdisho oo maanta la adkeeyay iyo Farmaajo oo la caleemo saarayo

0
172

Muqdisho (INO) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka dhacdo munaasabada Caleema-saarka Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Munaasabada ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Madaxweynayaal, Ra’isul wasaarayaal iyo Wasiiro ka kala socda Dowladaha Africa ee saaxiibada la ah Somalia.

Ka qeybgalayaasha ayaa waxaa sidoo kale kamid noqon doona Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia iyo Safiiro heer caalami ah oo iminka ka howlgalo Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadan doona Hogaamiyayaasha maamulada dalka oo intooda badan iminka kusoo diyaar garoobay magaalada Muqdisho.

Caleema-saarka Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa inbadan ka duwan kuwii hore ee loo qaban jiray Madaxweynayaashii hore, iyadoo ay xusid mudan tahay in munaasabadaani ay qeyb ka noqon doonaan inkabadan 4 Diplumaasiyiin oo heer caalami ah.

Munaasabada kadib Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kulamo khaas ah la qaadan doona Madaxda kasoo qeybgali doonta Caleema-saarka.

Geesta kale, waxaa si aad ah loo adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho waxaana ciidamo farabadan lagu daadiyay waddooyinka iyo Xaafadaha magaalada Muqdisho.