Alshabaab oo toogasho ku dishey mid kamid ah ciidamada Uganda oo maxbuus u ahaa

0
170

Muqdisho(INO)—Ururka Alshabaab ayaa ku soo bandhigay bogaga taageera sawirka iyo muuqaal video ah kaasoo ah dil ay ku fulisay askari u dhashay dalka Uganda oo muddo kabadan sanad maxbuus u ahaa.

Muuqaal kooban oo ay baahisay Al-kataa’ib ayaa lagu soo bandhigay askarigan oo magaciisa lagu sheegay Masassa kaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay saldhig milatarioo ay ciidamad Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale kaasoo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bishii September 2015.

Askarigan ayaa waxaa isagoo ku xiran katiinad waxaa toogasho ku dilaya mid kamid ah Alshabaab oo dhinaca dambe ka tooganaya.

Ururka Alshabaab ayaa  waxaa gacanteeda ku jira askari dhowaan ay ka qafaalatay xero ku taal degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Lama sheegin halka ay toogashadan ka dhacday inkastoo ururka Alshabaab marka uu fulinayo xukumada dilka ah badanaa ku soo bandhiga meel fagaaro ah oo ka mid ah deegaanada ay maamulaan.