Alshabaab Oo Qorsheynaya Weerar Lagu Qaado Dal Ciidamo Ka Joogaan Somaaliya

0
198

Kampala(INO)-Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa maanta heegan adag oo dhanka amaanka ah la geliyay kadib markii laga warhelay qorshe Alshabaab ay qaraxyo kaga geysanayaan dalka Uganda, sida booliska ay sheegeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in muuqaal uu kasoo muuqday ruuxii qaraxyada ka geystay dalkaasi sanadkii 2010 lagu sheegay in weeraro kale ay ka geysanayaan Alshabaab dalalka Uganda iyo Burundi oo ciidamo Soomaaliya ka joogaan.

Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqday ruuxii ka dambeeyay weerarkii Uganda, waxaana warka qoraalka ee booliska Uganda lagu sheegay in hanjabaadaasi ay u qaadanayaan si sax ah, ayna ka hortagayaan.

Iyada oo fariintaasi ay baahiyeen Alshabaab laga duulayo ayaa warka booliska lagu sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska dalka Uganda ay ka hortagayaan weeraro kasta oo kaga yimaada Alshabaab.

Sanadkii 2010 Alshabaab ayaa labo weerar qaraxyo ah ka geystay maqaayad ku yaala Kampala oo lagu daawanayay ciyaartii koobta dunida ee sanadkaan oo ka dambeysteeda ay ku kulmeen xulalka Netherland iyo Spain, waxaana weerarka ku dhintay 76 ruux.

Alshabaab ayaa sidoo kale weeraro qasaaro xoogan geystay ka fuliyay Uganda iyo Jabuuti oo iyagana ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Kampala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here