Al shabab Oo Nin Oday Ah Ku Gowracay Duleedka Degaanka Goof-Gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay

0
475

Baydhabo(INO)-  Maleeshiyada Mayalka adag ee Soomaalida Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa in duleedka Degaanka Goof Gaduud Shabellow ee Gobolka Bay inay ku dileen Nin Oday ahaa, kaasi oo Habeen hore la soo wariyay inay gowraceen.

Dilka Odaygaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Shabaabka Qabsadeen Degaankaas Goof-gaduud Shabellow isla markaana ay qabteen Odaygan iyo 2 qof kale maalmo ka hor, waxaana ay ku eedeeyeen in Xariir la leeyahay Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidamaa Midowga Afrika Ee AMISOM.

Deegaanka Goof-Gaduud Shabellow oo Hoostaga Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaa dhawaanahan ka taagana xiisado u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Koonfur galbeed Soomaaliya Oo tabar ka helayaan kuwo AMISOM, kadib markii Ciidamada AMISOM ay faarujeen, inkastoo ay dib ula wareegeen.

Ninkaan ay Shabaabka gowraceen ayaa la sheegey in lagu dilay inta u dhexeysa Degaanada Dharqo iyo Idaale oo ku yaallan Galbeedka Gobolka Bay, waxaana magaciisa lagu soo koobay C/laahi Duurow, oo la sheegey in si weyn looga yaqaano Degaanka Goof-gaduud iyo Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Al Shabaab ayaa looga bartay tacadiyada kala duwan ee ay geystaan, sidoo kale waxa ay caan ku yihiin Shabaabka falka gowracista ah oo ay kula kacaan dadka ay u arkaan inay iyaga ka soo horjeedaan iyo dadka ay ku eedeeyeen inay jaajuusiin yihiin.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay