Muqdisho (INO) – Afhayeen u Hadlay Kooxda Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in ay Qurbe Joogta Muqdisho kusoo Laabaneysa ula Dagaallamayaan sida Cadawgooda oo kale sida uu Hadalka u dhigay.
Cali Dheere waxaa uu shaaca ka qaaday Qurbejoogtu yihiin sida Cadawgooda oo kale sida uu Hadalka u dhigay, Hadalkaas ayaana yeelan kara Laba Macne oo kala ah, in Al-shabaab ay Qurbejoogta ku diidanyihiin Fahanka Dowladnimada iyo tan kale oo ah in ay Boor isku Qarisnimo ka tahay maadaama ay Inta Badan Dhallinyarada Qurbaha ka timada la Shaqeeyaan Kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in aysan Al-shabaab Indhaha ka Fiirsan Doonin dadka soo Laabanaya ee Imaanaya Muqdisho, Arrinta kale ee ay Shabaabku u sameynayaan sidaa ayaa waxaa ay tahay in ay Muujiyaan in Amaanka Caasimadda iyo Gobollada Dalku uu yahay mid aan leysku Halleyn karin.
Idale News Online – Muqdisho