Baydhabo(INO)— Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la xaley Saqdii dhex ku Degaalamey Maaya-Fuulka Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Audio PlayerDagaalkan ayaa yimid , kadib markii ay Al shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku lahaayeen Halkaas.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ku dhex maray Maaya- Fuulka Degmada Baydhabo, kaasoo muddo uu socday.
Dadka Magaalada Baydhabo ayaa Xaley maqlayeen Daryanka Rasaasta culus ee la isku weydaarsanayay dagaalka, isla markaana ay jiraan khasaare kala duwan uu gaaray labada dhinac.
Ugu dambeyntii, Saraakiisha Ciidamda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya weli ilaa iyo haantan kama aysan hadal Dagaal xaley ka Dhacey duleedka Maagaalada Baydhabo.
Warkan Waxii Ka Soo Kordha Kala Wararkeena Dambe
Idale News Online, Baydhabo