Jilib(INO)-Wararka deegaanada ay maamusho Maleeshiyada Alshabaab, ayaa sheegaya in Saraakiisha Amniyaadka Kooxda ay xabsiga dhigeen Horjoogayaal ka tirsanaa Alshabaab.
Amniyaadka Kooxda ayaa Horjoogayaashani ku xiray Xabsi ku yaala degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la tilmaamayaa in Horjoogayaasha la xiray ay Maleeshiyada u qaabilsaneyd dagaalada kadhanka ah Ciidamada Kenyanka ah ee Jubooyinka ku sugan.
Horjoogayaasha la xiray ayaa waxaa kamid ah Naaleeye oo kamid ahaa saraakiisha Alshabaab ugu caansan Goboladda Gedo iyo Jubooyinka iyo Mowliid Carab oo isna lala xiray Horjoogahaasi.
Saraakiil katirsan Al-shabaabka Jubooyinka ayaa xaqiijiyay xariga Naaleeye iyo Mowliid Carab, waxaana jiro warar kala duwan oo kasoo baxaayo xariga Horjoogayaasha.
Mid Kamid ah saraakiisha Maleeshiyada ayaa xariga labadani Horjooge ku sheegay inuu yahay mid ka dambeysay kadib markii lagu tuhmay inay dil u geesteen nin ka tirsanaa Al-shabaab, halka wararka qaarna ay qeexayaan in xarigooda uu ka dambeyay Mahad Karatey.
Dhanka kale, Xariga Horjoogayaashaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay Maleeshiyada ku kala qeybsantay arrimo la xiriira ku biirida Daacish.
Idale News Online, Jilib.