Nairobi ( INO)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar xoogan oo Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Shirkad Isgaarsiin oo ku taalla Degmada Fino ee Magaalada Mandera ee Waqooyi bari Dalka Kenya.
Weerarkaasi ayaa waxaa ka dhashay iska horimaad saacado qaatay oo u dhaxeeyay Xoogaga Booliska Dowladda Kenya iyo Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab, inkastoo khasaaro nafeed aan weli la soo warin.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Lafeey oo ku dhow halka uu Weerarka ka dhacay ayaa shaaca ka qaaday in Xubno ka tirsan Al Shabaab ay qarxiyeen Anteenada Shirkadaasi Isgaarsiineed oo ku taala Magaalada Mandera.
Taliye Bosita Omukolongo ayaa waxuu sheegay in Booliska ay iska horimaad culus la galeen Xarakada Al Shabaab, waxuuna intaasi ku daray in Dagaal yahanada Weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen Dalka Soomaaliya.
Weerar kan la mid ah ayaa Bishii la soo dhaafay ee June waxaa Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Xarun kale oo Shirkadaan ay ku leedahay Degaanka Dhamase oo ku dhow Magaalada Ceelwaaq ee Dalka Kenya.
Sikastaba, Weerarkaan ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan Boqolaal ka mid ah Xoogaga ammaanka, Booliska iyo kuwa Militariga Dalkaasi la soo dhoobay Degaano ku dhow Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si ay uga hortagaan Weerarada qorsheysan ee Xarakada Al Shabaab.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay