LaantaBuuro(INO)— Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Alshabaab weerar ku qaadeen deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal saacado qaatay ayaa dhex maray ciidamada militariga dowlada Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Laanta-buuro oo Shabeelaha Hoose ka tirsan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu sababay in ciidamada Alshabaab saacado kooban gudaha u galaan xerada, walow saraakiisha ciidamada ay beeniyeen.
Ciidamada militariga ayaa haatan ku sugan deegaanka, waxaana saraakiisha ay sheegeen in khasaaro uu ka dhashay dagaalka.
Al-shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystay deegaanka Laanta Buuro oo ciidamada dowlada saldhig weyn ku leeyihiin.
Sidoo kale waxay weerareen Alshabaab saldhigyo badan oo ciidamada dowlada iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanada Shabeelaha Hoose.