Al Shabaab oo weerar ku qaaday Ciidamada Dowladda ee Gobolka Sh.Hoose

0
184

Marka (INO)—Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Xoogan oo xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Buulo-mareer ee Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan oo ka dhashay iska horimaad saacado kooban qaatay una dhaxeeyay Xarakada Al Shabaab iyo Xoogaga Dowladda Soomaaliya ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Buulo-mareer.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan uu gaaray labada dhinac, inkastoo aan la ciyimin.

Dhinaca kale, ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, 7 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Gaari qaaadka geeya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Gaarigan ayaa lagu weeraray nawaaxiga Degaanka Ceelwareegoow ee Gobolka Sh.Hoose, sida Dadka Degaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro gaadmo ah ku beegsaday Gaadiidka Dowladda Federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo sidoo kale kuwa Khaadka u kala qaada Degaanada Gobolka Sh.Hoose .