Buurhakaba ( INO)-Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay Weerar Jid gal waxa ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Baay, weerarkaas oo ay la beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen Magaalada Baydhabo ayna ku sii jeedeen Degmada Buurhkaba ee Gobolka Bay.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay Col Ibraahim Xuseen Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in weerarkaas lagu qaarijiyay Askar la socday Kolonyada la weeraray.
Illaa 1 Askari ayuu xaqiijiyay in Taliyaha ay ka dhinteen Ciidamad la weeraray halka mid kalana uu shegay in uu ku dhaawacmay weerarkaasi.
Sidoo kale Taliyaha ayaa intaas ku daray in weerarkaasi lagu qaarijiyay Sarkaal Magaciisa lagu shegay Mukhtaar Baasuuke kaas oo la sheegay in Kolonyadaasi uu horkacyay.
Ciidamada ayaa dhexdooda la sheegay in ay kala shakiyeen kadib markii Ciidamo kale oo Gurmad ah ay u yimaadeen kuwa la weeraray kuwaaso Taliye Mukhtar Baasuuke toogtay sida uu xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.