Dhoobleey ( INO)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo qeybta ka ah kuwa Midowga Africa ee AMISOM oo ka dhaqaaqay deegaankaas kuna sii jeeday deegaanka Taabta ay dhex u galeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee Ciidanka AMISOM oo gubtay, iyagoo intaas ku daray in ay jiraan khasaarooyin nafeed iyo mid dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Kenya walow aysan cayimin.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas iyagoo sheegay in Gaari xamuul ah ay ka gubeen Ciidamadaasi Kenya ayna hub iyo saanad ka furteen.
Ma jiro wax war ah oo Kenya ay ka soo saareen weerarkaas lagu qaaday Kolonyadooda marayay deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ugu dambeyntii, Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ee hoostagta deegaanka Dhoobleey ayaa ah mid kacsan.
Idale News Online, Dhoobley