Baardheere ( INO)-Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in weerar Hubeysan ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Weerarkaas ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay daba socdeen Madaafiic lagu garaacay Garoonkaasi Magaalada Baardheere ee ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia.
Weli Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay weerarkaas lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Col Maxamuud Guhaad Tima Jilac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmadaasi Baardheere oo la hadlay IdaleNews.com ayaa ka warbixiyay weerarka Al Shabaab ay ku qaadeen Air-Portka Baardheere kaas oo tilmaamay in 6 dagaalyahan ay ka dhinteen 2 ka mid ah Dagaalamayaashii Al Shabaab ee weerarkaas soo qaaday gacanta iyaguna lagu dhigay lana soo bandhigi doono dhawaan sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaan ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in wax khasaaro ah ay Ciidamada AMISOM ee la weeraray kala kulmeen weerarkaasi.
Al Shabaab ayaa weeraro xoogan waxa ay ka geystaan Gobollada Koofureed ee Soomaaliya kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan.
Idale News Online, Baardheere