Muqdisho(INO)-Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerar lagu qaaday Hoteelka Maka Al Mukarama, kaasi oo Rag hubeysan ay gudaha u galeen wax yar kadib markii Qarax lala eegtay Albaabka Hoteelka.
Afhayeenka dhinaca Howllgalada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Guuto ka tirsan Ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran inay qabsadeen Hoteelka, sida ay daabacday Warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay howllgal lagu beegsanayo Madaxda Dowladda ay ka wadaan magaalada Muqdisho wixii dheeri ahna dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha’allaah”ayuu yiri Abuu Muscab.
Weeraradaan waxa ay dhacayaan iyadoo Ciidamada Ammmaanka ay baaritaan ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho