Baydhabo (INO) — Ururka Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada labo Qarax oo ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaalada Beydhabo.
Ugu yaraan 25 Ruux ayaa ku dhintay, 46 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii labo Qarax oo xoogan lagu beegsaday labao maqaaxi oo ku yaala bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Qoraal ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi ay ku beegsadeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale Xubno ka tirsan Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.
Weerarkaasi ay sheegteen Ururka Al Shabaab ayaa sidoo kale Dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa Dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi uu ku jiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tobaan Ruux oo Qaraxyadaasi ku dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa in laga deyrinayo Xaaladooda caafimaad, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen Saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Baydhabo.
Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Saaka degan, waxaana halkaasi ka socda howlgallo baaritaano ah oo ay wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaasi ku sugan.
Ugu dambeyntii, Weerarkan khasaaraha geystay ayaa waxuu imaanayaa maalmo un kadib markii Qaraxyo kuwan ka xoog badan islamarkaana ay ku dhinteen 25 Ruux ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Baydhabo