Al Shabaab oo sheegtay inay ka masuul tahay weerarka Jaamacadda Magaalada Garissa

0
232

Garisa(INO)-Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Somaliya, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii qorsheysnaa ee aroornimadii hore ee saakay lagu qaaday Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Mucab, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Al Shabaab ay ka dhex dagaalamayan Jaamacadda Magaalada Garissa.

Afhayeenka oo la hadlay Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in weerarkasi uu ahaa mid qorsheysan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa weli ka dagaalamaya Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa, oo 3km oo keliya ka baxsan Bartamaha Magaalada Garissa.

Hay’adda Bisha Cas Kenya iyo Saraakiisha Booliska, ayaa waxay sheegeen in weerarka lagu dilay ugu yaraan laba qof oo ka tirsan ilaalada Jaamacadda.

Ugu yaraan 40 qof oo kale, ayaa waxaa lagula cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Garissa ku yaala. Khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba waxaa la rumeysan yahay in intaa uu ka badan yahay.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here