Dhageyso: Al-shabaab oo sheegtay inay Gaadiid ku Qabsadeen Weerarkii Maanta ee Saldhigga Laanta-buuro

0
234

Muqdisho(INO) — Al-shabaab oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada DF Somalia ku lahaayeen ciidamada dowladda Somalia, ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen tiro badan oo Ciidamada DF Somalia ka tirsanaa, ayna Xeradaas ka qaateen toddoba gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay xerada ugu tageen.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah, ayaa la sheegay in ay xoogaggii Al-shabaab u suuro-gashay inay gudaha u galeen saldhigga ay weerareen, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo, Col. Axmed Cabdulle Absuge oo la hadlayay Idaacadda DF Somalia ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab hal gaari oo ay wateenna, ayna dib uga soo celiyeen.

Sarkaalkaan, ayaan sheegin dhismashada iyo dhaawaca kasoo gaaray weerarkan ciidamada dowladda Somalia, inkastoo goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay arkeen maydadka illaa lix askari oo xerada dhex-yaalla, markii uu weerarku dhammaaday.

Goob-joogayaal kale, ayaa iyana warbaahinta u sheegay in dhowr gaadiidka dagaalka ah ay xoogagga Al-shabaab ka wateen xerada Laanta-buuro, kuwaasoo la sheegay in ay Barqadii maanta ka tallaabiyeen degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay maamulaan.

Xeradan weerarka lagu qaaday oo ku taalla gobolka Shabeellada Hoose ayaa weerarkan ay ku qaadday Al-shabaab wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay ku qaadaan bilooyin gudahood, inkastoo weerarkan uu noqonayo kii ugu khasaara badnaa.

Al-shabaab, ayaa dhawaanahan Weerarro gaadmo ah ku qaadayay saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Koonfurta Somalia ku yaalla, gaar ahaan deegaannada ay ku sugan tahay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhiga XF Somalia iyo taliska ciidanka xoogga, ayaan weli ka hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, inkastoo la sheegayo in saldhigga ay haatan gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here