Dhuusamareeb(INO)— Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaanka Ceel-Shiil ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal culus oo shalay halkaas ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu muddo saacado socday, isla markaana uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray.
Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku qoray in deegaanka Ceel-Shiil oo ka tirsan degmada Ceelbuur kala wareegeen ciidamada dowladda, ayna kaga dileen illaa sideed askari.
Hase ahaatee saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab, iyagoo xusay inay iska difaaceen Shabaabkii soo weeraray.
Al-Shabaab ayaa ku ka talisa qeybo badan oo ka tirsan Galgaduud, iyagoo weeraro ku qaadayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya ee ku sugan deegaanada gobolkaas.
Idale News Online, Dhuusamareeb