AL-SHABAAB OO SHEEGAY IN CIIDAMADA KENYA IYO ETHIOPIA AY KU FASHILMEEN DAGAALADA GEDO.

0
190

Gedo:Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilmeen dagaalada ka socda Gobalka gedo ee udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada wadajirka ah.

Wakiilka Al-Shabaab ee Gobalka Gedo Sheekh C/raxmaan Sayid oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Gobalka Gedo laga soo galay labo dhinac oo kala ah xuduudaha Kenya iyo Ethiopia, maadaama Gobalka uu xuduud la leeyahay labadaasi dal.

Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya iyo Ethiopia hadafka ay usoo galeen Gobaladaasi aysan weli usuuragelin oo ay dhaafi la’yihiin sida uu yiri deeganadii ay marka hore yimaadeen.

Wakiilka Al-Shabaab ee Gobalka Gedo, ayaa ciidamada Ethiopia iyo kuwa Kenya ujeedkooda ku sheegay inay tahay qabsashada Gobalka Gedo, balse taasi aysan usuuragelin ilaa iyo iminka.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobalka Gedo, halkaasi oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ku aadan weeraro Shabaab ay ku qaadaan.

Khamiistii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii sida Milateriga Kenya uu sheegtay ay duqeyn ka geysteen Gobalka Gedo, deegaano ka tirsan halkaasina ay ku dileen Shabaab badan.

alshabab

Idale News Online, Baydhaba.